Neighborspeoplecharacters.DifferentMenandwomen.Peopleinwindowframes.Flatcartoonvectorillustration._0b19f5f4-6ddd-479b-9c2a-f030f8aea414-01.png
 

Daryeelka Bulshadda:

Waxqabadka dadweynaha ee ku saleysa xaaladaha COVID-19 Caafimaadka Bulshadda oo degdega ah.

 

Sidaad doonto u’ekow, sidaad doonto u noolow, dhaqaalahaad doontana hayso, xaaladdan taariikhda ah ee aan hada ku jirno waxey kuu cadaynayaan in aan kuligeen nahay bili’aadan. Kuligeen waan isku xidhanahay, mustaqbalkeena ayaa isku keen xidhay. Su’aal kama jirto in aan ku qasbanahay in aan si wadajir ah u wada shaqeyno haddi kale qofna nagama badbaadayo.

Laakiin in mudo ah, waxaa nakala qeybiyay dad yar oo awood dhaqaale, mid siyaasi, mid dimuquraadi, mid shariciyo iyo mid doorasho isticmaalaya iyagoo dantooda ku hor marinaya. Iimaan daridoodu waxey keentay xaaladan aan maanta ku suganahay. Oo malaayiin Amerikan ah aaney hayisan kaadh caafimaad oo ay isku daryeelaan, in aaney awoodi karin inay fasax ka qataan shaqadooda si ay u joogaan guryahooda ama aaney dhaqaale hanti haysan. Waxaan goobjoog u nahay siday siyaasiyeentu uga gurtaan lacagaha maalgashayaasha iyo siday dadka qaxootiga iyo midabada kale ah loo jeediyay si looga dhaco hantida la wada leeyahaa.


Bulshooyinka intooda badan COVID-19 si adag ayuu u saameeyay, dhaqaaluhu wuxuu aad u sii saameeyay dadka mushaharka sacaada ku qaata, dadka bulshadda u adeega, dadka daryeelka ka shaqeeya, kuwa hotelada, kuwa mudada yar shaqeeya, ganacsatadda yaryar, shaqaalaha iskood u shaqeysta, qaxootiga cusub and dhamaan dadka laga badan yahay, kuwa midabada kale ah iyo dumarka. Habkuu nadaamkana u dhisan yahay isku si uguma wada shaqeeyo bulshadda oo dhan, haddana waxa la joogaa wakhtigii aan wax ka badali lahayn.

Dadkeena nadaamka ku dhex nool ee ka badbaadeyna, way muuqataa daldalool keedu. Maal qabayaasha ayaa u kala eexda dadka oo kala saara cidii guriga joogeysa iyo kuwa kale kala, cida fasax la siinayo isagoo mushaharkiisana leh. Waxaana lagu go’aan qaadanayaa siday u faa’idaan, siday doonto ha u xumaatee oo xitaa aan laga fakireyn xaaladeen caafimaad ee na wada saameynaysa.  

2008 ka dib markii ay Wall Street dhaqaalihii aduunka hoos ugu riday oo lagu qasbanaadey in la badbaadiyo bulshadda, waxaa sii xoogeystay 1%kii oo tiro yar ah oo awood iyo dhaqaaleba faa’iday. 


Intaa kabadan ma rabo.

Waa markaan mideyn lahayn kala duwanaanshaheena, jinsigaad doontid ahow, meeshaad doontid ka kaalay, faqiir iyo taajir sidii aan horaba u sameynay. Dadka reer Minnesota waxay kasoo badbaadeen dhibabkii dhaqaale ee Great Depressions, tii Dagaalkii Aduunka ee World War II iyo uu suuqu hoos u dhacay ee Great Recession. Laakiin intaa laga soo guuleystay, taan maanta ku jirno mid la mid ahi bulshadu hore umaysoo arag, waayo maalqabayaal iiman la ayaa tabaneeyo sano u sababay.

Waa inaa talaabooyin degdeg ah qaadnaa si marxaladan aduunka iyo dhaqaalaha saamaysay looguna gargaaro laguna badbaadiyo qoysaska, kana shaqeynaa sidaan qoys kasta uga badbaadin lahyn bangiyadan tuugta ah – Midabkaad doontid ahow, shaqadaad doontid ka shaqee, sharci hayso ama ha hayisan, lab iyo dhigid kaad doontid ahow, zip codeka aad rabtid daganow, diintaad doontidna hayso- inaad barwaaqaysan karto oo aanad kaliya badbaadin uun. Waa wakhtigii aan dib u qori lahayn sharciga, dib u habayn lahayn dadkeena cadaalad daradu saameysay, taasna waxey keenaysaa inaan xoog yeelano.  

Wada shaqeynteenu waxay keenaysaa inaan ka badbaadno xanuunkan na saameeyay, waa inaan oganaa in wakhtigii la dhisi lahaa nadaam dadka oo dhan daryeela in la joogo, ma’aha in maalqabayaashu uun sii lacageystaan. Lama dhihi karo “siddii normalka” ahyd nagu celiya, haddi normalku ahaa iney dad yar oo iiman la’i sii xoogeysanayaan. Waxaan isu keenaynaa Minnesota dadka ugu ad’adag iyagoo meelo kala du’duwan ka iman doona si ay u sameeyaan Mustaqbal fiican oo dadka oo dhan wada leeyihiin. 

Waxaan dhisi karnaa nadaam caafimaad oo cadaalad ku salaysan oo dadka oo dhan daryeel siin lahayd si ay caafimaad u helaan. Waxaan xaqiijin karnaa in shaqo walba ahy hesha daryeel caafimaad, mushahar, iyo xaqaq kale si aad ugu noolaatid nolol tayo leh adiga iyo qoyskaaguba, una siisid wakhti. Waa inaan u suuto galinaa qof kasto oo raba inuu hoy u taago reerkiisa in ay suurtoobi karto, oo waliba uu heli karo mid uu ku faraxsan yahay oo ku yaala magaaladeenan qurxoon ee caafimaadka leh iyo aduunka si uu ugu dhiso mustaqbal ubadkiisa. Nolosha inaan badbaadney uun ma’aha ee waxaan heli karnaa inaan ku noolaano nolol farxad leh oo cidwalba ay haysato nabad galyo iyo caafimaad.

 

Sharciyadda

Xanuunkan faafey wuxuu keenay inaan dib u qorno sharciyadda si loo hubiyo inuu qof walba sharcigu caawiyo oo -aan cidna laga tagin. Waa in la xaliyaa dhibaatooyinka qoysaska oo xaalal kooban loo helaa, iyadoo laga faa’edaysanayo wakhtigan oo ah xeligii loo baahnaa in la badalo nadaamyaddan dibka noo dhigay ee naga hor mariyay dad yar oo kooban oo dhistay awood dhaqaale si ay uga faa’edaystaan kala qeybsiga.  

Hadda waa wakhtigaan si wadajir ah u istaagi lahyn inagoo kala duwana aan u midoobi lahyn wax walba oo nakala qeybiyana uga hor tagi lahayn.

Haayadaheenu waxey ka codsanayaan hogaamiyayaasha dowlada, mid magaalo, mid gobal, iyo mid federal ahba inay xal gaaban u soo dajiyaan dad ku nool istatkan kaas oo ku saleysan barwaaqo (Codsiga xalalka dhaadheerna waysoo socdaa)

Gargaarka DegDega ah qofkasta

Hel Macluumaad DegDeg ah Afaf-kala Duwan

Aad ayay u tahay muhiim in qof kasta oo reer Minnesota ahi helo ama fahmo macluumaadka looga hortagaayo faafiska COVID-19. Gobalka oo dhan ayaa u baahan inuu is gaarsiiyo  macluumaadka ku saabsan faafiska COVID-19, waana in lagu turjumaa English, Spanish, Somali, Hmong iyo luqadaha kale oo dhan ee laga hadlo Minnesota.

Hel Hoy/Guri DegDeg Ah

Qof kasta oo degan Minnesota waa inuu haystaa hoy uu ku nool yahay oo nabad galyo ah, wakhtigani ha ugu darnaadee. Taas macnaheedu waa dadka aan hoyga haysan waa in hoy loo helaa, waa ina inuu ahaado hoy ku munaasan COVID-19. Taasna macnaheedu waa in hoteelada iyo dhismayaasha kale ee hoyga noqon kara la isticmaalo.

Qof Kasta oo Reer Minnesota ahi waa inuu helaa Cunto.

Qofkuu doono ha ahaado, wuxuu doono ha ku haysto jeebkiisa, reer Minneasota waa iney helaan cunto caafimaad leh haduu u baahdo, waliba inta aan la tacaaleyno fayraskan. Qof kasta oo reer Minneasota ah oo dhaqaaluhu ka yaraadey waa inuu helaa cunto – wax ka hor-istaagayaa ma jiro. Qiimeynta iyo ogalaanshaha waxaa lagu sameyn karaa aragti iyo telefoon. Wixii intaa ka baxsan waxaa la geyn karaa “meals on wheels” cuntada wareegta ee la siiyo waayeelka si loo hubiyo inay gurigooda cuntadda laagu geeyo, xanuunka faafistiisana uga badbaadaan.

 Joojiiska Qiimo Dalicista

Kuligeen waan u baahanahay inaan helo waxyaahaba nolosheena muhiimka u ah oo aan qiimo macquul ah ku gadano. Xaqiiq waxaa la ansaxiyay oo la hir galiyay sharci diidaaya in qiimaha saa’id loo kiciyo, waliba markey noqoto warqadaha musqusha, cuntada iyo daawooyinka.  

Lacagta Xanaanada Ciyaalka

Shaqaalaha Xanaanada ciyaalka waa dadka safka hore ku jira iyaga iyo shaqaalaha daryeelka degdega, xiligan iyo xiliyo kalaba. Si loo hubiyo nafaqooyin,  nabad galyada, iyo caafimaadka ciyaalkeena waa in ay haayadaha bixiya qarashaadka xanaanada ciyaalka ay u kordhiyaan mushaharka shaqaalah oo ay ka dhigaan mushahar tayo leh. 

Meesha ka shaqeysid Nabadeeda Sug.

Shaqaalaha Safka-Hore ku jira ha la siiyo Mushaharka Halista

Hadda ha ugu darnaatee, dadka ka shaqeeyay safka hore ee nadeefiya dhismayaasha, daryeelka waayeelka iyo bukaanka, ama ka shaqeynaya dukaamada ama haya shaqooyinka aan laga maarmi kareyn, waan in la qiimeeyaa oo la siiyaa wax u dhigma. Haddi uu rabo qofku inuu shaqeeyo ha la siiyo mushaharka halista ah.

Nabad Galyadda Shaqaalaha Safka-Hore

Shaqalaha Safka-Hore (waxaa ka mid ah Shaqaalaha caafimaadka. Nadaafada, dayactirida, kuwa cuntada, iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeeya meelaha kale ee muhiimka ah) waa inaan ka badbaadinaa fareyska inagoo ilaalineyna faafintiisa. Shaqaalahan waa iney helaan qalab badbaadiya iyo tabo baro luqadahooda ku baxaya. Waliba shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha caafimaadka ee qoykiisu ku jiro qof u nugul coronavirus ama uur leh ama difaaciisu hooseeyo kuma qasbana inuu u shaqeeyo qof bukaan ah oo qaba xanuunada sanbabada.

 

Hel Daryeelka Caafimaadka oo Qof-Kasto ah

Hubi inuu Qof-Kasto helo Macluumaadka Daryeelka Caafimaadka Bulshadda

Si loo yareeyo saameynta COVID-19, waa in qof kastaa oo reer Minneasota ahi helo daryeel caafimaad iyadoon waxna ma hor istaagi karaan, kaliyana ma’aha markuu jirado oo kaliya, ee intuu caafimaadka qabo ee uu ka hortag ahaan u aadayo xarumaha caafimaadka si looga hortago xanuunkan ama loo yareeyo faafintiisa. Taas macnaheedu waa dadka cusub ee soo buuxsanaya kaadhadhka caafimaadka waa in degdeg in loo siiyaa, qof kasta oo reer Minneasota ahna waa inuu buuxsadaa kaadhka caafidmaadka ee MinnesotaCare.

Caymiska Daryeelka Caafimaadka oo Awoodi-Kartid oo Joogto ah

Si loo yareeyo faafinta COVID-19, waa lagama maarmaan in qof kasta oo reer Minneasota ahi helo caymis caafimaad si ay ugu daryeelaan baahiyaha caafimaad, ma’aha markuu qofku xanuunsan yahay, ee markuu rabo inuu ka hortag ahaan u tago ama uu daryeel joogto ah u baahan yahay ama loo joojiyo faafinta xanuunkan fiday. Tan macnaheedu waa cid laga saari karo caymiskiisa caafimaad ma jiro, siday doontaba ha ahaatee ama xaaladiisa shaqo lama hubo ama awood dhaqaale ayaanu haysan. Wixii jeebkiisa uu ka bexin la’ahaa waa in laga dayaa inta aan arkin degdeg ah ku jirno.

Badbaadinta Maamulka Nolasheena

Mushaharka ka fogaanshaha dadka

COVID-19 dardii Iskuulaadkii oo la xidhay, bulshadii oo loo diiday inay meel iskugu yemaadaan, shaqaalaha waxaa looga baahan yahay iney kala fo’gaadan oo ay joogaan guryahooda, waliba markey jiradaan ama qof kale ka jirado, waa inaad joogta gurigaaga oo daryeelataa qofkaa ka jiran. Shaqaalaha oo dhan waliba ay ku jiraan shaqaalah bulshada, kuwa kontarakta ku shaqeeya,kuwa ka shaqeeya xarumaha daryeelada caafimaadka, ee u baahda iney shaqadooda ka fadhiistaan COVID-19 dartiis ama shaqadoodii loo xiray sabataas, unana baahan mushaharkoodii ama macaawinaad ka baxsan shaqo (part-time) ah ama aan haysan sacado fasax ah. Mushaharkan ka fogaansha ahi waa la isticmalaa in aan ka hareyn muddo saddex usbuuc ah tana waxaa loogu talo galay shaqaalaha u shaqeeya qof shaqsi ah ama dowlada ama iskuulaadka.

Caymiska Shaqo La’aanta DegDeg

Dadka laga fadhiisyay shaqadooda ama xaalad degdeg ah ugu baahda macaawino cunto ama baahiyahay guud. Shaqaalah oo dhan oo ay ku jiraan kuwa aan sharciyada haysan, kuwa daryeelada caafimaadka, kuwa xafladaha, ama shaqaalaha dhowrka shaqo isku haysta ee sacadahooda laga jaray waxay xaq u leeyihiin inay si degdeg ag ku helaan caymiska shaqo la’aanta dibna loo noqdo. Iyadoon lagu xidhayn inay qibrad, shaqadooduna ka murmaynin inta ay socoto arimahan nala soo darsey ee xanuunkan faafaya ah, loona kordhinayaayo wixii la siin lahaa iyo mudadii la siin lahaaba.

 

Caawinaada Ganacsatada YarYar

Caawimaad Degdeg ah oo la siinayo Ganacsatada Yaryar

Mar walba ayaan aragnaa, in ganacsatada waa weyn ay ka helaan dowlada caawid aad u badan, iyadoo kuwa yaryarna dhibaatooyin badan oo aaney ka soo kaabsan karin ku dhacaan. Waxaan rabnaa inaan u helno deeqyo (grant) ah iyo amaah ribo lahayn ama ribo yar leh si loo caawiyo ganacsatada yaryvar ee ay saameysay coronavirus.

Sugidda Guryaha& Biilasha kale

Heshiiska Sharciga

Intaan ku jirno xaaladan, reer Minneasota waxay u baahan yahiin iney guryahdooda ku jiraan. Qof laga saari karo ama heshiiskiisa la jabin karaa ma jiro, kiradana la guma kordhin karo, si loo hubiyo dadka dagan Minneasota inay helaan hoy nabad leh inta aan ku jirno marxaladan.

Sharciyadda Hanti La-Wareega ama ka Saarista Guryaha

Si loo xaqiijiyo in dadka dagan Minnesota ay guyahooda ku jiraan intuu socdo xanuunkan faafay, Minnesota waa iney joogisaa sharciyada qasbaya in qofka laga saaro ama hantideesa lala wareego. Dhibka dhaqaale ee ka emaan kara dadka lagu yedhi guryahiin jooga aad ayuu u badnaan karaa, laakiin waa inaan nabad ku qabnaa guryahiina inta uu marxaladan degdeg ahi na dhaafeyso.

Sharciyada Korontooyinka lagu Goynayo

Qof kasta oo reer Minnesota ahi zip codekuu doono ha daganaadee, waa inuu helaa koronto, telefoon, internet, biyo, gaas, inta ay xaaladan degdeg ahi socoto. Waxaan u baahan nahay Sharci joojinaaya in qofka laga jarto macluumaadkan kor ku qoran, khaasatan dadka dagan tuulooyinka fog fog. Aad ayay u tahay muhiim Inaan badbaadino macloomaadkan u fududeynaya inay dadku joogaan guryahooda, kana shaqeeyaan ama ay wax ka bartaan, loonaga hortago xanuunkan COVID-19 inuu faafo, dadkuna u kala fogaadaan.

Nadaamka Nabad Galyada Cuntada

Muddo kordhinta Dhexdhexaadinta Beeraleyda

Beeralaydu Minnesota qiimo weyn ayay ku leeyihiin cuntada iyo dhaqaalahaba. Dhexdhexaadin kasta oo u socotay beeraleyda waxaa laagu daay muddo kordhin 90maalmood ah. Bangiyaduna waa inay u fasaxaan qarashaad ku baxaya mudadaas. 

Ogalaansha Qarasha ku baxa Beeraleyda

Beeraleyda dhibka dhaqaaluhu haystay intaanu faafinta COVID-19 ka hor, waxay u baahan yehiin dhaqaale ay ku soo iibsadaan medho iyo xoolo. Beeralaydu hada ayay qaadanayaan go’aamo iney sii wadi karaan beerta iyo in kale. Degdeg haddi ay u halaan dhaqaale, waxay u suurto galin kartaa inay oo iibsadaan miro, xoolo iyo wixii ay xoolaha siin lahaayeen inta aaney khasaarin oo aaney xirin ganacsiigooda. Beeraleydu waxay qeyb dhaqaalaha baadiyaha la mid ah oo muhiim ah. Beeralaydu dhaqaalahooda bulshadan ayay galiyaan waaney ku soo wareegtaa bulshada oo waxay caawisa ganacsatooyinka kale iyo qoysaskooda.

Shafarta Heshiiska Beeraleyda-iskuulaadka

Iskuulaadku waa inay sharfaan beeraleyda u keenta cuntooyinka caafimaadka leh ee lagu siiyo ciyaalka iskuulaadka.

 

Dib-U habeyn Cadaalad

Caafimaadka iyo nabad galyada Xabsiyada

Boqolaalo kun oo qof ayaan ku xidhan xabsiyo federal ah oo yar yar oo cidhiidh ah oo aan nabad galyadeedu fiicnayn.Dadka xabsiga ku jiraa waaney kala hadli karaan qoysaskooda wax yaabaha teknoolajiga ah. Xabsiyadu waa iney bulsha u sheegaan siday dadka u kala badbaadin lahaayeen. Waxaana ka mid dadka aadka u jelcisan ina layska soo daayo ama dadka bulshada dhibta ku hayn. 

ICE ha ka Maqnaato Bulshooyinkeena.

Khaasatan wakhtigan adag ee faafayo xanuunku, aad ayay u tahay muhiin in bulshadu dareemin cabsi, oo hadhow ay doonan kari waayaan bahiyahooda yar yar. ICE waa inay joojisaa howshay qabaneysay hospitaalada, maxkamadaha, ama qeybaha kale ee bulshada. Ta kale waa inaan joojinaa ICE dadkey fiirinesay iyo kuwii maxkamada ku qasbanaa inay yemadaan. Ugu dambesytii, gobalka iyo magaalada midna ICE lama wadaagi karto qofka macluumaadkiisa.

Joojiya Eedaysiga Dadka aan Guryaha Haysan

Khaasatan wakhtigan, qof-kasta oo Minnesota dagan wuxuu xaq u leeyahay in loola dhaqmo si bi’liaadanimo ku jirto inloola dhaqmo, ama guri lahow ama ha lahaan. Dadkeena aan guryaha haysan waxay u baahan yehiin in la caawiyo. Uma baahna in la eedeeyo, lagu buuqo ama la sii buriyo. Joojiya inaad u diidaan dadka inay seexdaan teendhooyinka, gawaadhida ama banaanka. 

Badbaadiska Xad Gudubka Qoyska.

Inta uu socdo xaanuunkan faafay, dadka guryaha jooga ee ka badbaadey xad gudubka qoyska, khatarna u ah inay rabashadaasi soo noqoto, waa in la gudbinaa sharci dadajinaya dacwooyinkooda si qofkaa looga xakameeyo inuu u tago. 

 

Codsiga Qorshaha Dhexe iyo Kan-Dheerba way soo socdaan.